Qiso Waxaad janada ku galeysaa raxmadeyda ee kuma galeysid camalkaaga Qiso Xikmad Badan.

Qiso Waxaad janada ku galeysaa raxmadeyda ee kuma galeysid camalkaaga Qiso Xikmad Badan.
Nin Reer Banii Israail kamida oo bada dhexdeeda meel Jamal ah ku noolaay ayaa Ilaahey cimri badan siiyay oo gaaraya 500 sano, inaas sano uu noolaay wuxuu qaban jiray ma jirin oo aan aheyn Salaad iyo inuu Alle caabudo.
Maalin kasto wuxuu cunayay hal mir oo Ruumaan ah, uu Alle ku maneystay, Wuxuu Alle ka baryi jiray maalinka ay ajashiisu timaado in laga qaado ruuxda isagoo sujuudsan iyo ineysan ciidu cunin jirkiisa.
Alle SWT ayaa ka aqbalay, una sameeyaay siduu jeclaay, Marki la gaaray maalinta Aakhiro Alle SWT wuxuu dhahay: Adoonkeyga raxmadeyda janada ku galiya, markaas buu adoonkii leeyahay Rabiyoow Camalkeeyga ayaan janada ku galayaa!!!
Alle SWT wuxuu leeyahay hala xisaabiyo raxmadeyda iyo camalkiisa, raxmadii Alle siiyey ayaa badatay, kolkaas buu Alle yiri ” hala geeyo naarta”! Adoonkii ayaa naarta la galiyay! Kolkaas buu yiri adoonkii ” Yaa Rabi naxasiistaada janada igu gali” markaas buu Alle leeyahay soo celiya”
kadib Alle SWT ayaa dhahaya: “Yaa 500 sano awood kuu siiyey inaad noolaato” adoonkii ayaa dhahay; ” Allow adiga ayaa awood ii siiyey inaan 500 sano noolaado” Alle ayaa yiri ” Hadaba waxaad Janada ku galeysaa Raxmadeyda ee kuma galeysid Camalkaag.